In ka badan 40 qof oo ku dhimatay weerar ay geesteen Kooxda Boko Xaraam

Wararka ka imaanaya dalka Nigeria ayaa sheegaya in ugu yaraan 40 qof ay ku dhinteen weerar gaadmo ah oo dhexmaray ciidanada militariga dalkaasi iyo kooxaha Argigixisada ee Boko Haram Gelinkii dambe ee Khamiistii.

Afhayeen u hadlay Jaamacadda MaidGuri ee Waqooyiga Nigeria ayaa sheegey in uu arkay dhimashada ilaa 5 qof oo kamid ah shaqaalaha ka shaqeeya wax soo saarka Saliida.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa isugu jira dhinacyadii dagaalamay ayadoo ay u badan yihiin dad shacab ah oo ku sugnaa magaaladaMaidGuuri oo ah halka uu weerarkaasi ka dhacay, Dowladda Nigeria ayaa sheegtey in laga guuleystay Koxda Boko Haram.

Ciidamada Militariga dalka Nigeria ayaa wada howlgalo ballaaran oo la doonayo in koxda Bokoo Haram looga soo furto dad badan oo shacab ah oo ay afduub ahaan u ahystaan

Ilaa 20,000 kun oo qof ayaa ku dhimatay kumanaan kalena guriyohooda ayay ka barakeceen, tan iyo markii maleeshiyada Boko Haram ay weerarada ka bilaabeen dalkasi 2009, halka kuwo kalena la afduubtay.

Militariga Nigeria ayaa ku guuleystay in ay maleeshiyada Boko Haram ay ka soo furtaan dad aad u farabadan oo ay ka qafaasheen meelo badan oo ay ku dagaalameen iyaga iyo ciidamada Dowladda, waxaana kamid ah boqolaal Gabdho oo arday ahaa kuwaasi oo laga afduubtay magaalada lagu magacaabo Chibok.

Xigasho Sonna

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media