In ka badan 1,500 oo Tahriibayaal ay Somali ku jireen oo la badbaadiyey

Ciiddanka Badda iyo Ilaaladda Xeebaha Talyaaniga ayaa la sheegay inay qaadeen hawlgal ballaaran oo lagu soo badbaadiyey ku-dhawaad 1,500 Tahriibayaal la socotay shan dooni.

Tahriibayaal la socotay saddex ka mid ah doonyahaasi ayaa la sheegay inay gurmad codsadeen, iyagoo adeegsanaya Telefoonka Tarooyaha ee ku xiran Dayax-gacmeedka.

Hadal ka soo baxay Ciiddanka Badda Talyaaniga ayaa lagu sheegay inay Kooxaha Gurmadka arkeen Tahriibayaal kale oo la socotay labo dooni oo u baahnaa in loo gurmado.

Tahriibayaasha oo lagu badbaadiyey Badda Mediterreanka, ayaa la sheegay inay ka soo shiraacdeen Xeebaha dalka Libya.

Hawlgalkaasi oo socday wax ka yar 24 saacadood ayaa la sheegay in lagu guuleystay, waxaana Tahriibayaashasi nabad ah loo geeyey Jesiiradda Lampedusa ama Dekeddaha Sishiliya ee Talyaaniga.

Dhinaca kale, ku-dhawaad 170,000 oo Tahriibayaal ah ayaa sannadkii hore Tahriib ku soo gaaray Xeebaha Talyaaniga, kuwaasi oo badankooda ka soo tahriibay xeebaha dalka Libya..

Waxaana la sheegaa inay 3,000 oo Tahriibayaal u badnaa Somali, Eritrean, Ethiopian ku hafteen badda, inta ay ku soo jireen Tariibkaasi khatarta ah.

© Warqabadka Dalsan Radio

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor