In ka badan 100 Soomaali ah oo laga soo musaafurinayo dalka Maraykanka

Mid ka mid ah Dadkaasi oo la hadlay Qareenkiisa ayaa sheegay inay isaga iyo in ka badan 100 qof oo Somali ku xiran yihiin Xarun dadka lagu hayo oo ay Hay’adda Socdaalka Maraykanka ku leeyihiin magaalladda Oakdale ee Gobalka LOUSISIANA ee K/bari ee dalkaasi.

Waxa uu intaasi ku daray inay wada sugayaan sidii loogu soo masaafurin lahaa Somalia, inkastoo aysan ogayn xilliga la dhoofin doono.

Sarkaal ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Xoojinta Canshuuraha Maraykanka (ICE) In 7 qof oo Somali ah oo ku xirnaa Xarunta dadka lagu hayo ee Elk River loo wareejiyey loo wareejiyey Xarun ku taalla magaalladda Oakdale ee Gobalka LOUSISIANA.

Qareen Kim Hunter oo ka mid ah Qareenadda u dooday 5 ka mid ah Soomaalida la soo dhoofinayo ayaa sheegay inay dadaal ugu jiraan sidii loo joojin lahaa Masaafurintaasi.

Waxa uu tilmaamay inay inta badan dalalka Europe ee ay ku nool yihiin Qurbo-joog badan oo Somali aysan marnaba dadka u masaafurinin dalka Somalia oo ay u arkaan Waddan ay aad khatar u tahay in lagu laabto.

Dhinaca kale,, 5 ka mid ah dadka Soomaalida ee la qorsheynayo in laga soo dhoofiyo Maraykanka ayaa la sheegay inay yihiin dad ku-dhawaad 20-sanno deganaa Maraykanka, isla markaana guursaday Xaasas Somali-Maraykan ah.

Shanta qof ee ay Qareenadooda haatan ku hawlan yihiin inay joojiyaan Masaafurintaasi waxaa magacyadooda lagu kala sheegay: Maxamed Aadan, Yoonis Cali, C/maalik Ramadaan Ibraahim, C/xakiim Maxamed iyo Abuukar Sheekh.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media