Imtixaankii Dugsidaya Sare ee dalka oo Maanta baaqday

Shalay Muqdisho iyo gobolada dalka Soomaaliya waxaa ka bilaawday Imtixaanka Shahaadiga ee dugsiyada Sare oo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya balse Maanta uu baaqday.

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in Axada Maanta ah uu baaqday Imtixaankii lageli lahaa.

“Dhamaan Kormeerayaasha iyo Ardayda Imtixaanka galaysa Waxaa la idinku war galinayaa In Imtixaanka maanta 20/05/2018 uu baaqday oo aan lagaleyn Roobaab ka da aayo Gobolka Banaadir iyo gobolo Kale awadeed ayuu lagu daabacay Bogga Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Sikastaba Imtixaanka ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa ka bilaawday dhammaan Gobolada dalka marka laga reebo Magalada Baladweyne oo uu saameeyey fatahaada Wabiga Shabeelle.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media