Imtixaan ka socday Iskuulo ku yaallo Muqdisho oo la joojiyey

Wararka aan ka heleyno degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in Maanta halkaasi ay ka dhaceyn banaanbaxyo rabshado watay kadib markii Imtixaanka laga joojiyey Iskuulada qaar ee degmadaas.

Rabashadaas ayaa ka dambeysay kadib markii Macalimiinta Imtixaanka qaadeysay dhowr Iskuul oo lagu galayay oo ku yaalla degmada Dharkenley ay sheegeen in qish lagu arkay imtixaanka,isla markaana uu magalada galay.

Qaar ka mid ah Ardayda oo aan la hadalnay balse diideen in Magacooda iyo codkooda in Warbaahinta loo adeegsado ayaa waxa ay sheegeen in Maanta hal maado kaliya ay ku galeen Saddex iskuul oo ku yaalla Dharkenley,sidoo kalena loo sheegay in maadooyinka kale la badalayo.

Ardayda qaarkood ayaa aad uga carooday tallaabada ay qaadeen macalimiinta,iyaga oo mudo kooban sameeyey banaanbaxyo rabshado watay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka degmada Dharekenley ayaa gaaray goobihii ay Ardaydu banaabaxa ka dhigayeen,iyaga oo ugu dambeyn xaliyey.

Weli kama hadlin banaanbaxaas ay Ardayda dhigeen iyo waxa laga yeelayo Madaxda Dallada Waxbarashada FPENS oo ay iskuuladaas hoostagaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media