Imaaraadka oo ka hadlay doorka QM iyo Midowga Afrika ka qaataan soo-celinta Nabadda Soomaaliya

Xoghayaha 3-aad ee Ergadda Imaaraadka u joogta magaalladda Geneva, Axmed Al-jarwaan ayaa sheegay inay QM iyo Midowga Afrika taageero ka geysanayaan sidii Somalia loogu soo dabaali lahaa Ammaan iyo Deganaansho.

Mas’uulkaasi waxa uu hadalkaasi ka sheegay Shirweynihii 36-aad ee Golaha Xuquuqda Aadanaha ku yeesheen Xaruntooda Dhexe oo ku taalla magaalladda Geneva.

Axmed Al-jarwaan waxa kale oo uu soo dhaweeyey Khabiirka Madaxa ee Xaalladda Xuquuqda Aadanaha Somalia, Bahame Tom Nyanduga oo uu ku bogaadiyey Watbixintiisa uu diirada ku saaray Xaalladda Xuquuqda Adaanaha ee Somalia.

Waxa kale oo uu sheegay inay Dowladda Imaaraadka Carabta soo dhaweynayso Wada-shaqeynta u dhexeysa Khabiirkaasi iyo DFS, gaar ahaan Jadwal-hawleedka lagu xaqiijinayo heerka Xuquuqda Aadanaha ee Somalia, gaar ahaan Badbaadinta Xuquuqda Haweenka, Carruurta iyo qeybaha kale

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media