Imaaraadka oo cambaareeyey weerarkii lala beegsaday Shaqaale ka tirsan Ururka Bisha Cas ee dalkaasi.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskashiga Caalamiga ee dalkasi ayaa lagu sheegay inaysan qaraxyadaasi oo kale cabsi-gelin doonin Taageeradda ay Dowladda Imaaraadka la garab taagan tahay DF iyo Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan xilligan ay Somalia ka jirto Macluusha.

Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay in lagu cambaaraynayo weerarkii shalay lagu qaaday Kolonyo ay la socdeen Saraakiil ka tirsan Ururka Bisha Cas ee Imaradka, kuwaasi oo marayey Deegaanka Gras-baaleey ee duleedka Muqdisho.

Ma jiraan dad wax ku noqday qaraxaasi oo ahaa miino dhulka lagu aasay, kaasi  oo  la sheegty Kolonyo gaadiid oo ay la socdeen xubno ka tirsan Guddiga Qaranka ee Abaaraha, Maamulka Gobalka Banaadir iyo Wafdi ka socday Ururka Bisha Cas ee Imaaraadk Carabta.

Qarixii shalay ka dhacay Garasbaaleey ayaa ah kii labaad ee lala eegto Kolonyo Gaadiid ay la socdeen Wafuud gargaar u waday dadka Barakacayaasha ee ku nool duleedka Muqdisho.

Bilowgii isbuucan ayey ahayd, markii ay miino la kacday Gaari ay la socdeen Shaqaale ka tirsan Hay’adda Barnaamijka Cuntdda Adduunka ee WFP.

Ugu yaraan 2 ka mid ah Ilaaladda la socotay Wafdigaasi ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi,  waxaana ku burburay mid ka mid ah Gawaarida WFP.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media