(XOG): Imaaraadka oo 336 million oo Dollar ku maalgelin doonta Dekedda Bosaaso.

Sida lagu soo daabacay Shabkadda Wararka ee Arabianbusiness.com waxay Shirkadda P & O Ports oo ay leedahay Dowladda Imaaradda Dubai ku guuleysatay Heshiis ay Maamulka Puntland la galeen, oo ay muddo 30-sanno ku maamuli doonaan Dekedda Bosaaso

Shirkadda P & O Ports waxay u qoondeeysay lacag dhan 336 million oo Dollar oo labo Weji ah, taasi oo lagu maalgelinayo Dekedda Bosaaso.

Shirkaddu waxay kaloo maalgelin ballaaran ku samayn doonta Nidaamka Hawlgalka Dekedda iyo Qalabaynteeda oo dhamaystiran.

Guddoomiyaha Shirkadda Ports, Customs & Freezone Corporation (PCFC), Suldaan Axmed Bin Sulaymaan ayaa sheegay inay Dekedda Bosaaso tahay Fursad Qaalli inay ka mid noqoto Dekeddaha Ujeedo Badanka xilligan Kala-guurka dal u gudbaya Xilli Nabadeed.

Dekedda Bosaaso oo 2.000 KM dhanka Waqooyi kag toosan magaalladda Muqdisho waxay kaabiga ku haysa Deegaan Istaraatijiyad leh oo ku yaalla Gacanka Cadmeed.

Image result for P & O Ports

Shirkadda Imaaraadka ee lagu wareejinayo Maamulka Dekedda Bosaaso ayaa ah Shirkaddii Labaad ee laga leeyahay dalka Imaaraadka ee Heshiis la gasha Maamulladda ka jira Somalia, iyadoo Shirkadda DP World la saxiixatay Maamulka Somaliland Heshiis ay Shirkadda muddo 30-sanno ku maamulayo Dekedda magaalladda Berbera.

Si kastaba ha ahaatee, Heshiiskaasi waxaa gaashaanka ku dhuftay Dowladda Federalka Somalia, iyadoo Madaxweyne Farmaajo haatan ku sugan Imaaraadka oo uu Madaxda dalkaasi kala hadlayo Heshiiskii Dekedda Berbera.

 

Xigasho: Arabianbusiness.com

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media