Dowladda Imaaraadka ayaa soo saartay Digniin dhanak Safarka, iyadoo Muwaadiniinta dalkaasi looga digay inaysan u socdaalin dalal ay Somalia ka mid tahay.
Hdaal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee dalkaasi ayaa lagu sheegay in la cusbooneysiiyey Digniinta dhinaca Socdaalka ee la soo saaray sannadkii 2013-kii.
Qoraalka waxaa lagu xusay inaysan Muwaadiniinta Imaaraadka socdaal ku tegin Waddamo ay ka jiraan Xiisado Siyaasadeed iyo Caafimaad-darro, waa sida hadalka loo dhigay
Dalalka looga digay Muwaadiniinta Imaaraadka inaysan u socdaalin waxay kala yihiin dalalka Somalia, Qatar, Brazil, Lubnaan, Syria, Afganistan, Pakistan, Yukrayn, Nigera, Koonfurta Suudaan iyo Madagaskar.
Digniinta cusub waxaa lagu lifaaqay Digniino kale oo dhinaca Socdaalka oo horey loo soo saaray sannadkii 2013-kii.
Si kastaba ha ahaatee, Go’aanka Muwaadiniinta looga digay inaysan Somalia booqanin, waxa uu ku soo beegmay, xilli uu khilaaf xooggan ka dhexeeyo DFS iyo Imaaraadka oo ku kala diday Khilaafka Khaliijka awgiisa.