Imaaraadka Carabta oo markab wada raashin mucaawino ah u soo dirtay Somaliland.

Dekedda magaalladda Berbera waxaa ku soo xirtay Markab waday deeq raashin oo culayskeedu dhamaa 1,060 tan, taasi oo ay Dowladda Imaaraadka Carabta ugu talagashay dadka Soomaaliyeed ee ku macluulsan Goballadda W/galbeed Somalia.

Wakaalladda Wararka Imaaraadka ee WAM oo aan warkan ka soo xiganay ayaa shaacisay inay deeqdaasi soo direen Madaxweynaha Imaaraadka, Sheekh Khaliifa Bin Zaayid Alnahyaan iyo Dhaxal-sugaha Ammirka magaalladda Abu Dubai,ahna Ku-xigeenka Taliyaha Ciiddanka dalkaasi.

Afhayeen u hadlay Hay’adda Samafalka ee Khalifa Bin Zayed Al Nahyan Foundation ayaa sheegay in deeqdaasi loo qeybin doona 8,000 oo qoys oo ku nool inta badan Deegaanadda ay abaaruhu saameeyeen.

Deeqdaasi ayaa la sheegay inay ku jiraan loorar uu midkiiba qaadi karo 50-kiilo, waxayna deeqdaasi ka kooban tahay bariis, sonkor, bur, timir iyo caano booro.

©Radio Dalsan

.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor