Imaaraadka Carabta oo Kenya kala shaqeynaysa La-dagaalanka Alshabaab

Wasiirka Arrimaha dibedda ee dalka Kenya, Amina Mohamedayaa shalay hadalkaasi ka sheegtay Shir Jaraa’id oo ay iyada iyo dhigeeda dalka Imaaraadka Sheikh Abdallah Bin Zayed Al Nahayan, shalay ku qabteen magaalladda Nairobi.

Waxay kaloo sheegtay inay Dowladda Kenya iyo Dowladaha Carbeed ee hodanka ah ka wada shaqeyn doonaan Deganaanshaha dalka Somalia iyo sidii loo joojin lahaa weeraradda ay Alshabaab ka geystaan gudaha dalka Kenya.

“Dowladda Imaaraadka Carabta ee hodanka ku ah Kheyraadka kala shaqeyn doonaan Horumarinta arrintaasi, gaar ahaan Dib-u-dhiska iyo Deganaanshaha Somalia” ayey tiri Haweeneyda Wasiirka Arrimaha dibedda u ah dalka Kenya.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha dibedda ee dalka Imaaraadka Sheikh Abdallah Bin Zayed Al Nahayan, oo isagana ka hadlay Kulankaasi ayaa sheegay inay Madaxweynaha Somalia ka taageeryaan sidii loo qaabayn lahaa Dowlad Deggan (A stable government).

Waxa kaloo uu tilmaamay in loo baahan yahay in Somalia laga dhiso Wershado, si Dhallinyarradda loogu abuuro Shaqooyin, isla markaana looga joojiyo Xag-jirnimadda Dhallinyaradda.

Xigasho:- Daily Nation

© Warqabadka Dalsan Radio

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor