Imaaraadka Carabta iyo QM oo cambaareeyey weerarkii Isqarxinta ee lala beegsaday Diplomaasiyiin Imaaraadi ah

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda ee dalka Imaaraadka Carabta, Maxamed Qarqaash ayaa cambaareeyey weerarkaasi oo ay ku geeriyoodeen 14 qof oo isugu jiray rayid iyo ciiddan ka tirsan Dowladda Federalka.

Wasiiru-dowlaha waxa uu sheegay inay ka xun yihiin khasaaraha ka dhashay weerarkaasi, wuxuuna xusay inay Dowladda Federalka Somalia gacan ka geysan doonaan baaritaanka qaraxaasi.

Wargeyska Alsharqal-awsad ayaa sheegay in Is-qarxintii shalay ee  ay Alshabaab sheegteen mas’uuliyadeed uu ka badbaaday Danjiraha dowladda Imaaraadka Carabta uga wakiilka ah dalka Somalia, Maxamed Axmed Al-cuthmaan.

Dhinaca kale, Ergayga Xoghayaha Guud ee QN ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Nicholas Kay ayaa cambaareeyey weerarkii Is-qarxinta eel ala beegsaday gaadiidkii ay la socdeen Diplomaasiyiin u dhashay dalka Imaaraadka Carabta.

Hadal Qoraal ah oo uu Nicholas Kay soo saaray ayaa waxa uu ku sheegay inaysan weeraradda noocaasi ah waxba u dhimi doonin Dib-u-dhiska Somalia ee haatan socda.

“Waxaan cambaaraynaa weerarka ka dhanka ah dadka rayidka ee aan waxba galabsanin iyo Saraakiisha Caalamiga ee taageeradda ka geysanayo dhismaha Nabadda iyo Dhismaha Dowladda ee Somalia” ayuu yiri Nicholas Kay,

Waxa uu intaasi ku daray in weerarkaasi ahaa isku-day lagu doonayo in lagu wiiqo kuwa ka yimid Beesha Caalamka ee Soomaalida kala shaqeynayo dhismaha Somali wanaagsan.

Sidoo kale, Ergayga waxa uu Tacsi u diray qoysaska iyo saaxiibadda dhamaan dadkii ay waxyeelladu ka soo gaartay Is-qarxiintii shalay  iyo Dowladda Imaaraadka.

© Warqabadka Radio Dalsan