IMAAMKA MUDULOOD ” Shisheeyaha iyo Diplumaasiyinta kuwa sheeganaya ee ku haya Muqdisho xaq ma lahan 48-saac ha uga baxaan magaalada”

kulan ay qaaten madaxda dhaqanka ee gobolka Banaadir ayay uga dooden go’aanka Magaalada Muqdisho loogu diiday iney talo ku yeeshan nidaamka doorashada ee dalka ka dhaceysa dhamaadka sanadkan iyo iney xubno ku yeeshan aqalada Baarlamaanka.

Odayaasha dhaqanka waxa ay ku dhawaaqen kacdoon ka dhan ah dadka shisheeyaha iyo kuwa diplomaasiyiinta sheeganaya ee ku haya Muqdisho xaq malahan sida ay hadalka u dhigen.

Waxa ay intaasi ku daren iney qoraalo soo saari doonan islamarkaana ay qaban doonan dibad baxyo balaaran oo arintan ku saabsan.

Imaam Maxamed Yuusuf Imaanka Koonfurta Soomaaliya ayaa si kulul ugu hadlay arintan waxa uuna 48 saac u qabtay iney dalka uga baxan dadka shisheeyaha ee faraha kula jira arintan,isaga oo sheegay in la iska rabo halka ay ku qoran tahay in gobolka Banaadir aysan xaq ku lahayn.

Halkan hoose ka dhageyso hadalka Imaamka:-

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor