Ilmo yar oo lagu tuuray dhul cidlo ah oo ay quraanjo cuntay

Saraakiisha Boliska ee dalka Raashiya ayaa sheegay inay  heleen ilmo yar oo mar dhow dhashay, taasi oo lagu tuuro  goob ay maraan Bulaacadaha oo ku taalla duleedka magaalladda Chelyabinsk ee dalka Raashiya.

Boliska waxay sheegeen in gabadhaasi yar oo saddex maalin jir uu helay nin maqlay oohinteeda, xilli uu ku sii jeeday shaqadiisa.

Gabadha ayaa la dhigay  dhul aysan cidna degganayn oo hawd ah ayaa la sheegay haddii aan la heli lahayn inaysan sii badbaadi lahayn.

Ninka helay gabadha waxa uu u yeeray Ambalaas oo ilmahii yaraa u qaaday Isbitaalka.

Haatan waxaa la sheegay inay gabadha yar ka soo kabanayso qaniinyaddii quraanjadii ku xoonsanayd.

Saraakiisha Boliska waxay sheegeen inay baadi-goobayaan Waalidkeeda, si loogu maxkamadeeyo dayaca ilmaha yar oo ay nolosheeda khatar gashay.

BABAY 1BABY 2 BABY 2

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor