Iiraan oo sharci-darro ku tilmaamtay xariga Kalluumeysato u dhashay dalkooda ee ku xiran Puntland

Ku-xigeenka Guddoomiyaha Goballadda Sistaan iyo Bulujistaan ee dalkaasi ayaa sheegay in Badmaaxiinta Dekedda Konarak ee lagu xiray Somalia  si sharci-darro ah lagu xiray, isla markaana ay Wasaaradda Arrimaha Dibedda indhaha ku hayso arrintaasi.

Mas’uulkaasi oo lagu magacaabo Cali Ashqar Mir-Shekari ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wakaalladda Wararka u faafisa Iiraan ee IRNA, wuxuuna sheegay in Kalluumeysatadaasi la qabtay bishii September 27-dii, wuxuuna ku dooday in 18-ka Badmaax ee la xiray Fasax ka haysteen Waaxda Kalluumeysiga ee Dekedda KONARAK ee dalka Iiraan, si ay uga kalluumeystaan waxa uu ugu yeeray Badda Furan.

Cali Ashqar Mir-Shekari waxa kale oo uu sheegay inay Ilaaladda Xeebaha Somalia ku dileen Kabtanka Doonida Kalluumeysi meel 1,200 KM ka baxsan Xeebaha dalka Iiraan, waa sida uu hadalka u dhigay.

Sarkaalki waxa kale oo uu tilmaamay in Talalabada ay ku dhaqaaqday Dowladda Somalia tahay mid sharci-darro ah, oo aan ku jirin Xaynaabka Jadwalka shaqo ee Caalamiga.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media