Iiraan oo ka hadashay Kalluumeystadda ay Alshabaab ka qabsadeen Xeebta Ceel-dheer.

Telefishinka Dowladda Iiraan ayaa xalay xaqiijiyey inay Alshabaab gacanta ku dhigeen 14 Shaqaale oo la socday Dooni Kalluumeysi oo cku ciladowday Xeebaha Somalia.

Telefishinka waxa uu sheefay in Doonidaasi oo ay leedahay Shirkad Kalluumeysi oo Iiraani ah ay dhibaato farsamo ku qabsatay meel ku dhow Xeebaha Soamlia.

Telefishinku wax faahfaahin ah kama bixin doonidaasi oo ay Alshabaab shalay ka qafaasheen Xeebta Degmadda Ceel-dheer ee Gobalka Galgaduud.

.Dhinaca kale, Alshabaab wweli wax hadal ah kama soo saarin arrintaasi.

Dadka deegaanka ayaa  shalay u sheegay Idaacadda Dalsan inay Alshabaab gacanta ku dhigeen Kalluumeystadaasi oo ay dooni kula soo caarisay Xeebta Deegaanka Cigo.

Dhinaca kale,  Ilaaladda Xeebaha ee Puntland ayaa ku soo baraarugay doonida lagu qabsaday Xeebta Degaanka Cigo ee Degmadda Ceel-dheer.

Wararkii ugu dambeeyey ee  naga so ogaaray Deegaanka Cigo ayaa inoo xaqiijiyey inay Dagaalyahannadda Alshabaab u kaxaysteen Kalluumeysatadda Iiraaniyiin deegaan ku dhow Galhareeri.

Bilowgii bishii hore, Koox Burcad-baddeed ayaa la sheegay inay sii daayeen  Kalluumeysato Iiraaniyiin ah oo ay afduub u haysteen, iyadoo ay Madaxda Maamulka Galmudug gacan ka geysteen sidii loo sii dayn lahaa Badmaaxiintaasi.

Warar ayaa sheegay in Burcad-baddeedaasi la siiyey lacago madax-furasho ah oo aan cadadeeda la shaacinin, si ay u sii daayaan Kalluumeysatadda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor