Iiraan oo adeegsaneysa Diyaaraddo oo la wareegtay Maraakiib laga leeyahay Giriiga

Ciidamada Ilaalada Kacaanka ee dalka Iran oo adeegsanaya diyaaradaha sida qumaatiga ah u kaca ayaa gacanta ku dhigay laba markab oo laga leeyahay dalka Giriiga oo shidaal siday. Masuuliyiinta dalka Iran ayaa sheegay inay hawlgalkan ka fuliyeen gacanka istaraatejiga ah ee Faaris.

Tallaabadan ayaa u muuqata in dalka Iran uu kaga aargudanayo dalka Giriiga, taageeradii uu u fidiyey dalka Maraykanka si ay gacan ugu dhigaan Markab siday saliid cayriin oo ku safrayey calanka dalka Iran, kaas oo toddobaadkan ay gacanta ku dhigeen Maraykanku isaga oo maraya biyaha badda Mediterranean-ka, ka dib markii lagu eedeeyey inuu ku xadgudbay cunaqabatayntii ay Washington ku soo rogtay dalka Iran.

Hawlgalkan ay Iran kula wareegtay labada markab ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee ka dhaca gacankan istaraatejiga ah muddo bilo ah, iyadoo ay weli taagan tahay xiisadda u dhexeysa Iran iyo reer galbeedka ee ku aaddan heshiiskii nukliyeerka ee ay la gashay quwadaha adduunka.

Maaddaama Tehran ay kobcinayso uranium badan, oo ku dhow heer u sahlaya inay soo saarto hubka Nukliyeerka ee wax gumaada.

Ciidanka ilaalada kacaanka ayaa ku eedeeyey labadan Markab inay xadgudub sameeyeen, waxaana tallaabadani ku soo beegantay iyada oo Iran ay hore u sheegtay inay qaadi doonto tallaabo looga aargudanayo dalka Giriiga oo ka caawiyey Maraykank inuu la wareego Markab ku safrayey calanka dalka Iran.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor