Iimaam Masjid oo lagu dilay dalka Uganda

Kooxo aan la aqoonin aayaa la sheegay inay dileen Hoggaamiye ka tirsan Madaxda Muslimiinta ee dalka Uganda, oo la oran jirey Shekh C/rashiida Wafuula.

Marxuumka oo 47-jir ahaa waxa uu Iimaam ka ahaa Masjidka Bilaal oo ku yaalla Degmadda Mabale.

Afhayeenka Boliska Uganda, Fred Enanga ayaa sheegay in dilkaasi loo xiray afar qof oo uu ku jiray nin la dhashay Marxuumka.

Dhinaca kale, Golaha Sare ee Muslimiinta Uganada (UMSC) ayaa cambaareeyey dilkaasi, waxayna Rabbi uga baryeen inuu Marxuumkaasi ka waraabiyo naxariistioi Janno.

Dableyda dishay Marxuumkaasi ayaa la sheegay inay labo xabadooda laabta uga dhufteen, wuxuuna dilkaasi u muuqday mid la soo qorsheeyey.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor