IGAD oo War ka soo saartay xal u helista Colaadda Magaalada Gaalkacyo

War-saxaafadeedka IGAD waxaa lagu sheegay in loo baahan yahay in loo istaago Xalinta Khilaafka Maamuladda Galmudug iyo Puntland ee ku aadan Dagaalladda soo noqnoqday ee ka dhaca magaallodda Gaalkacyo ee Gobalka Mudug.

IGAD waxay sheegay inay ka go’an tahay inay kala shaqeeyaan DFS iyo Maamul-gobaleedyadda Galmudug iyo Puntland sidii Xal Kama-dambays ah loogu heli lahaa Colaadda muddada dheer ka taagan Gaalkacyo oo salka ku haya Gacan-ku-haynta Maamulka ee magaalladdaas oo haatan u kala qeybsan 2 dhinac oo ay kala maamulaan Galmudug iyo Puntland.
Urur-gobaleedka IGAD waxay ugu baaqeen Maamuladda Puntland iyo Galmudug inay si firfircoon u taageeraan Nabadeynta Bulshadda iyo dadaalka ka soo baxay Dhismaha Nabadda Gaalkacyo.

Urur-gobaleedka IGAD waxay sheegeen inay ka go’an tahay inay taageeraan DFS iyo awoodaheeda ku aadan Dhismaha Nabadda, Ammaanka iyo Deganaanshaha Somalia.

War-saxaafadeedka Urur-gobaleedka IGAD ayaa la soo saaray kadib, markii uu Wakiilka IGAD ugu qaabilsan Arrimaha Somalia kulan uu isugu keenay dhamaan Guddoomiyayaasha Goballadda iyo Maayarada Magaallooyinka Maamuladda Galmudug iyo Puntlan.

Kulankaasi oo socday muddo 2 maalmood waxay Mas’uuliyiintaasi kaga wada xaajoodeen Qorshaha Tubta Nabadda ee Nabad waarta looga dhalin lahaa magaalladda Kala-qeybsan ee Gaalkacyo.

Si kastaba ha ahaatee, Heshiis Xabbad-joojin oo ay Madaxweynihii hore ee Galmudug, C/kariim Xuseen Guuleed iyo Mdaaxweynaha Puntland, C/weli Gaas kala saxiixdeen bishii Janaayo ee sannadkii hore ayaa burburay bishii October ee isla sannadkii 2016-kii.

Dagaalkaasi ka dhacay Gaalkacyo waxaa lagu dilay in ka badan 50-qof oo ay ku jireen dad rayid ahaa, waxaana ku barakacay in ka badan 900,000 oo qof.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media