IGAD oo ugu baaqday Maraykanka, Britain iyo dalalka kale inay xayiraadda ka qaadaan Xawaaladaha Soomaalida

War-murtiyeed uu Urur-gobaleedka IGAD ka soo saareen magaalladda Addis Abeba ayaa waxaa laga codsaday Dowladaha Maraykanka, Britain, Australia iyo kuwa kale ee walaacsan inay laalaan go’aankii hore ee ay ku xireen Xawaaladaha Soomaalida.

War-murtiyeed waxa uu Ururka IGAD mar kale ku muujiyey walaaca xooggan ee ay ka qabaan khatarta dhinaca Samafalka iyo Ammaanka ee ay sababtay go’aanka lagu xiray Xisaab-lacageedyadda Xawaaladaha Soomaalida.

IGAD waxay sheegeen inay soo dhaweynayaan in la dhiso  Golaha La-talinta ee Saamileyda Soomaalida iyo kan Xawaaladaha ee Heerka Gobal si ay ula socdaan Lacagaha Xawaaladaha Soomaalida.

War-murtiyeedka waxa uu u gu baaqday Dowladaha xubnaha ka ah IGD inay maamulaan, isla markaana taageeraan dadaalladda lagu doonayo in looga hortago Lacagaha Sharci-darradda lagu xawilayo.

Bayaankan ayaa so obaxay, kadib, markii Shir heer Wasiir oo looga hadlayey Xawaaladaha Soomaalida shalay lagu qabtay caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba.

Xigasho: IGAD

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor