IGAD oo ku baaqday in tallaabo adag laga qaado Qas-wadayaasha Siyaasadda iyo Nabadda Somalia.

Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Dowladaha xubnaha ka ah Urur-gobaleedka IGAD waxay Kulankoodii 55-aad ee aan Caadiga Ahayn (The 55th Extraordinary Session of IGAD Council of Ministers) ku yeesheen Xarunta Dhexe ee Ururka Midowga Afrika oo ku taalla caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Ethiopia, Dr. Tedros Adhanom ahna Guddoomiyaha xilligan ee IGAD ayaa Shir-guddoomiyey Kulankaasi waxa uu sheegay inay soo hagaagayso Xaalladda Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Bulsho ee Somalia, balse waxa uu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay Taageero isugu jirta Siyaasad, Dhaqaale iyo Milliteri sidii Nabad iyo Deganaansho loogu soo dabaali lahaa Somalia.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya, Amina Maxamed oo ka hadashay Shirka IGAD waxay sheegtay in loo baahan yahay Dagaal Mideysan oo lala galo Alshabaab oo ay xustay inay Khatar muuqata ku yihiin Deganaanshaha Gobalka, waa sida ay hadalka u dhigtay.

Dhinaca kale, Golaha Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee IGAD waxay Kulankooda ka soo saareen War Murtiyeed ka koobnaa 14 qoddob oo ay ugu muhiimsan yihiin:

  • Waxay IGAD soo dhaweeyeen Go’aankii Dowladda Federalka ee Nidaamka Doorashadda ee sannadkan 2016.
  • IGAD waxay ka codsatay Dowladaha xubnaha ka ah iyo Saaxiibadda Beesha Caalamka oo ay ku jirto QM in laga hortago Qas-wadayaasha Soomaalida ee caqabadda ku ah Dadaalka Siyaasadda iyo Ammaanka ee sannadkan 2016-ka.
  • In Xafiiska IGAD taageero ka geysanayo Taabagelinta Nidaamka Doorashadda, waxayna ugu baaqeen Dowladaha IGAD iyo Beesha Caalamka in ay taageero geystaan meelmarinta Nidaamka Doorashadda.
  • In la dhiso Guddi Koox Wasiiro ah oo ay hoggaaminayso Ethiopia, xubnana ay ka yihiin Kenya, Jabuuti iyo Uganda, si ay Dowladda Federalka iyo Maamul-gobaleedyadda kala shaqeeyaan in si fiican loo hirgeliyo Nidaamka Doorashadda 2016-ka.
  • Dowladda Federalka waxaa lagu booriyey inay dardar-geliso Dhismaha Dowlad-gobaleedka Hiiraan iyo Sh/dhexe.
  • In Shir Madaxeedka soo socda ee Hoggaamiyayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Urur-gobaleedka IGAD lagu qaban doono Caasimadda Somalia ee Muqdisho.
  • Golaha IGAD waxay soo dhaweeyeen hadalkii uu Wasiirka Arrimaha Jabuuti ku sheegay Marti-gelinta Dowlada Jabuuti ee Shirka Taliska AMISOM oo la filayo in dabayaaqda bishan Feberaayo lagu qaban doono magaalladda JabuutiIGAD3
  • IGAD 3 IGAD4
  • IGAD1 IGAD FLAGS

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor