IGAD oo beenisay inay diideen inuu Muwaadin Somali ah Xil Sare ka qabto Ururkaasi

Ergayga Gaarka ee IGAD ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Ambassador Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay inaysan jirin Qoraal ay ka heleen Madaxweynaha Somalia oo ku aadanaa Magacaabista Muwaadin Somalia oo qaban doona Xilka Xoghayaha Guud ee IGAD.

ilo Diplomaasi ayaa horey ugu xaqiiyey Radio Dalsan inay Dowladaha xubnaha ka ah Urur-gobaleedka IGAD  laaleen qoraal uu Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud horey ugu diray Guddoonka Sare ee IGAD oo ku adaanaa Magacaabistaasi.

Ambassador Afey oo barta Twitterka ugu waramay Weriye Xasan Cali Osman “Istiila” oo ka tirsan Radio Dalsan ayaa sheegay inaysan haatan jirin Jago ka bannaan Urur-gobaleedka IGAD.

“Taasi run ma aha, Xafiiskana Jago kama bannaana” ayuu yiri Ambassador Afey.

 

Hadalkiisa ayaa waxa uu ku soo beegmay, iyadoo ay dhawaan soo baxeen Warar sheegayo inay Dowladaha xubnaha ka ah IGAD laaleen Qoraal uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku magacaabay Xasan Kheyre oo ah Muwaadin Somali Norwegian, si uu xilka Xoghayaha Guud ee IGAD ugala wareego Mas’uulka haatan haya Xilkaasi, Maxbuub Macallim.

Xoghayaha Guud ee IGAD, Maxabuub Macallim oo ah Siyaasi ka soo jeeda Soomaalida deggan Kenya waxa uu qorshuhu yahay inuu xilka ka dego bisha July ee sannadkan.

Kulankii 45-aad ee Golaha Wasiiradda Arrimaha Dibedda IGAD oo bishii July ee sannadkii 2012-kii lagu qabtay magaalladda Addis Abebaba ayaa mar labaad loo cusbooneysiiyey  xilkaasi oo uu haatan hayo muddo 8 sanno ah.

Xilalka Sare ee Urur-gobaleedka IGAD ayaa u muuqda mid ay isku soo koobeen 2 Dowladood oo ka mid ah Dowladaha xubnaha ka ah Ururka IGAD oo muddo hataan laga joogo 30-sanno ka hor lagu asaasay Shir-madaxeed ka dhacay dalka Jabuuti.

Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu qoraalka uu u diray Madaxda IGAD ku soo beemay xilli ay soo baxday Warbixin ay Guddiga QM ugu qaabilsan Kormeerka Cunaqabataynta Hubka ee saaran Somalia iyo Eritrea (The UN’s Somalia and Eritrea Monitoring Group) ku sheegeen in ay suurtogal tahay inuu Xasan Kheyre xiriir la leeyahay Xarakadda Alshabaab.

Guddiga waxay Warbixintooda ku dabaqeen iyadoo Xasan Kheyre  yahay Agaasimaha Shirkadda Som Oil and Gas ugu qaabilsan Geeska Afrika, isla markaana uu horey ula soo shaqeeyey Hay’adda Dowladda Norway ugu qaabilsan Qaxootiga ee The Norwgian Refugee Council (NRC).

Xiriiryaha Guddiga QM ee Kormeerka Somalia iyo Eritrea, Christophe Trajbet ayaa horey u qoray in Wakiilka Soma Oil and Gas ee Bariga Afrika, Xasan Kheyre laga yaabo inuu xiriir la leeyahay Alshabaab iyo waxa uu ugu yeeray Xag-jirayaasha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor