Idaacadda Radio Dalsan oo maanta u dabaal-degayso sannad-guuradii 5-aad.

Bishii April 2-dii ee sannadkii 2012-kii ayaa dhidibada loo taagay Idaacadda Radio Dalsan oo Xarunteeda Dhexe ku taalla magaalladda Muqdisho.

Asaaska Idaacadda ayaana ku timid Daraasaad la xiriirtay Baahida ay Dadka Soomaalida ugu qabaan inay helaan Warbaahin ay ka heli karaan Adeegyadda Warbaahineed, sida Tafsiirka Qur’aanka, Casharadda Diiniga iyo Barnaamijyadda Arrimaha Siyaasadda, Bulshadda, W/barashadda, Ganacsiga, Dhaqaalaha iyo kuwa Madadaaladda.

Sidoo kale,  Wareysiyadda muhiimka, Falaanqeynta iyo Faallooyinka ee lagu lafa-gurayo Siyaasadda Gudaha iyo Xaalladaha kale ee markaasi taagan ayaa si joogto ah qeyb uga ah Baahinta Idaacadda Dalsan oo maalin kasta hawada ku jirta muddo 18-sacadood.

Radio Dalsan waa Idaacad Madax Bannaan, isla markaana aad u dhowrta Anshaxa Saxaafadda, Dhexdhexaadnimadda, Run-sheegga, waxaana  si feejignaan leh loo faaf-reebaa Wararka iyo Barnaamij kasta ee ka baxa Idaacadda.

5-sanno kadib, Idaacaddu waxay kasbatay Malaayiin Dhegeystayaal, kuwaasi oo Idaacadda si toos ah uga dhegeysta Xarunta Muqdisho iyo Xarumaha Idaacadeed ee aynu ku leenahay magaallooyinka Jowhar, Cadaado iyo Baydhabo.

Waxaa kale oo jira Macaamil badan oo Idaacadda si toos ah u dhegeysta Livestream-ka Boggeenna radiodalsan.com iyo qeybta Maqalka ee Telefishinka.

Haddaba, maanta oo ay ku beegan tahay 5-guuradii ka soo wareegtay markii la dhidbay Radio Dalsan waxay Maamulka Sare ee Idaacadda, Hawlwadeennadda iyo Weriyayaasha jecel yihiin inay Farxadda maanta la wadaagaan Dhegeystayaasha Sharafta naga mudan iyo Akhristayaasha  ee sida joogtada ugu taxan Radio Dalsan.

Malaayiin jeer ayaana idin salaamaynaa meel kasta oo aad joogtaan, kuna waara Nabad iyo Farxad.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media