Idaacadda Dalsan iyo AIWA oo iska kaashaday Barnaamij lagu wacyi-gelinayo Dhallinyarradda Soomaaliyeed

Idaacadda Dalsan iyo  iyo Qorshaha Afrika ee Haweenka ku nool Qaaradda Afrika (African Initative for women in Africa) ayaa si wadajir ah u  qabanqaabiyey  Wacyi-gelin  looga hadlayo Kaalinta ay Haweenka iyo Dhallinyaradda Soomaaliyeed ka qaadan karaan sidii Dhallinyarradda loogu barbarian lahaa Waddaniyadda iyo inay ka feejignaadaan waxyaabaha khatarta ku ah Diintooda Xaniifka iyo Dhaqanka Suubaan ee Ummadda Soomaaliyeed.

Barnaamijka Wacyi-gelinta oo ay Idaacadda Dalsan si toos ah u tebisay ayaa waxaa ka qeyb qaatay  Xoghayaha Fanka iyo Suugaanta ee Ururka Haweenka Qaranka, Marwo Suldaano Axmed Maxamed, Maama Fariido oo ka mid ah Hawwadeenadda “AIWA” iyo Abuukar Hilowle Caddow oo ka tirsan Dhallinyarradda ku nool magaalladda Muqdisho.

Barnaamijka waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa Awoodaha Hooyooyinka iyo Dhallinyarradda, qaabka loogu wacyi-gelin karo  Dhallinyaradda si aysan ugu hiranin waxyaabaha ka hor imaan kara Diinta iyo Dhaqanka Wanaagsan, loogana hortegayo rabshadaha hubeysan.

Ka-qeybgalayaasha waxaa la hor-dhigay su’aalo ku aadan qaabka ay Haweenka iyo Dhallinyarradda ku keeni karaan Isbedel horseedi kara inay Dhallinyaradda noqdaan kuwo ka shaqeeya Nabadda, Dib-u-dhiska iyo inaan dhisaan Mustaqbalkooda.

Waxaa Barnaamijka la isku dhaafsaday Aragtiyo kala duwan iyo doodo ku adaan sida ugu wanaagsan ee wax looga beddeli karo Nolosha Jiilka soo korayo, iyo sida loogu barbarin lahaa waxyaabaha wanaagsan, loogana waanin lahaa dhaqanadda xunxun.

Dhegeystayaasha Idaacadda Dalsan ee ku kala nool gudaha iyo dibedda Somalia ayaa waxay  khadka Telefoonka iyo barta Twitterka iyo facebook uga qeybgaleen Barnaamijka lagu wacyi gelinayo Dhallinyarradda Soomaaliyeed.

Dhegeystayaasha waxay si xor ah u dhiibteen Ra’yigooda Wanaagsan,  waxayna badankooda soo gudbiyeen Fikraddo lagu taageerayo Wacyi-gelinta Dhallinyarradda Soomaaliyeed iyo inaysan ka qeyb gelin colaadaha rabshadaysan ee wax u dhimi kara Nabadda Guud ee Bulshadda iyo Mustaqbalka Ummadda Soomaaliyeed.

Taabagelinta Barnaamijkaasi Wacyi-gelinta Dhallinyarradda Soomaaliyeed waxaa kaalin muhiim ah ka qaadatay Safaaradda Norway.

_MG_6687 _MG_6688 _MG_6692 _MG_6705 _MG_6706 _MG_6709 _MG_6718 DSC00031 DSC00033

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor