ICRC oo codsatay Malaayiin Dollar, kana digtay macluusha Somalia.

Hay’adda Laanqeyrta Cas Caalamiga ee ICRC   ayaa codsatay 400 million oo Dollar si loogu caawiyo Malaayiin qof oo qarka u saaran macluul, kuwaasi oo ku nool dalalka Somalia, Yemen, South Sudan iyo Nigeria.

Hadal-qoraal oo ay Hay’adda ICRC ka soo saartay Xarunteeda Dhexe ee magaalladda Geneva ayey ku sheegtay inay doonayaan  inay sare u qaadaan Taageeradda iyo rajada si garghaar muhiim ah loo gaarsiiyo ku-dhawaad 5 million oo qof.

Agaasimaha Hawlgalladda ee ICRC, Dominik Stillhart ayaa sheegay in 20-million oo qof soo wajahayso Gaajo, wuxuuna xusay inay Somalia iyo Yemen macluusha si xun looga dareemi doono  3 ilaa 4 bilood gudaheeda, ka hor intaysan  macluusha saldhiginin dalalkaasi.

Image result for ICRC IN SOMALIA Image result for ICRC IN SOMALIA

Mas’uulkaasi waxa kale oo uuka digay macluusha ka jirta dalka South Sudan iyo nafaqo-darradda daran ee ka jirta W/bari Nigeria.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media