ICJ oo ku dhawaaqi doonta Natiijadda Dacwadda Muranka Xuduud-baddeedka ee Somalia iyo Kenya.

Guddoomiyaha Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda (The International Court of Justice), Ronny Abraham ayaa la filayaa inuu bisha soo socoto ee February 2-da ee sannadkan ku dhawaaqo go’aanka ay Maxkamadda ICJ ka qaadatay dacwadii Muranka Badda ee u dhexeeya dalalka Somalia iyo Kenya.

Hadal ka soo baxay Dhismaha Peace Palace ee Xarunta Dhexe ee Maxkamadda ICJ ku leedahay magaalladad The Hague ee dalka Netherlands (Holland) ayaa lagu sheegay inuu Guddoomiyaha Maxkamaddaasi akhrin doono Natiijadda Go’aankooda ku aadan Milkiyadda xuduud-baddeedka Somalia iyo Kenya, kaasi oo dhererkiisu dhan yahay 100,000 oo KM oo isku wareeg ah.

Xuduud-baddeedkaasi oo saddex geesood ah waxa uu yaalla Badweynta Hindiya, meel ku dhow xuduud-baddeedka ay Somalia la wadaagto Kenya.

Dowladda Federalka Somalia waxay bishii July 13-dii ee sannadkii 2015-kii u gudbisay Maxkamadda ICJ dacwad ka dhan ah Kenya oo ku saabsan Sohdinta Badda ee labada dal.

Qoraalkaasi waxay Dowladda Somalia ku codsaday inay Maxkamadda ICJ cayinto sohdinta Badda ee labada dal ka wadaagaan Badweynta Hindiya, oo ay ku jiraan biyaha dalka, Aagga Dhaqaalaha Gaarka iyo Geyi-qaaradeedka wixii ka baxsan 200 oo nautical miles.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. Axmed Cali Daahir oo ay wehliyaan Diplomaasiyiin, Sharci-yaqaano iyo Qareeno Caalami ah ayaa waxay bishii July 13-dii ee sannadkii 2015-kii u gudbiyeen Maxkamadda ICJ Dukumentiga Dacwadda iyo Caddaynta Lahaanshaha Xuduud-baddeedka ay Kenya sheeganayso.

Maxkamadda ICJ wxaay bishii September ee sannadkii hore dhegeysatay Dacwadda Labada dhinac, waxayna Ergadda dhinaca Sharciga ee Wakiilka ahaa Somalia soo bandhigeen Caddeymo muuqda oo ku aadan Lahaanshaha Xuduud-baddeedka ay Kenya sheeganayso.

Ergadii Kenya ayaa ku doodaya inuu jiro Heshiis Is-faham oo ay sannadkii 2009-kii la gaareen xubno ka tirsan Dowladdii KMG ee Somalia.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Kenya, Githu Muigai ayaa ka hor yimid sheegashadda Somalia, wuxuuna Madaxda Dowladda Somalia ku tilmaamay Abaal-laawayaal.

Dowladda Kenya waxay culayska saartay sidii uu u fashilmi lahaa Kiiskaasi, iyadoo eeganaysa Qandaraasyadda Sahminta Shidaalka iyo Gaaska Dabiiciga ee ay la galeen Shirkado Caalami oo ku takhasuska Sahminta iyo soo-saarista Shidaalka.

Si kastaba ha ahaatee, Go’aanka la filayo inay Maxkamadda ICJ ku dhawaaqdo bisha soo socota ee February 2-da ayaa noqon doonta mid lagu kala bixi karo, inkastoo ay Dowladda Kenye horey u sheegtay inaysan la shaqeyn doonin Maxkamadda ICJ.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor