Human Rights Watch oo sheegtay in ay Boliska Sacuudiga jirdileen, soona tarxiileen Kumanaan Soomaali

Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa maanta soo saartay Warbixin ay kaga hadashay Ololaha Tarxiilka ee ay Maamulayaasha Sacuudiga ku hayaan Xoogsatada Shisheeyaha aan sharci lahayn ee ka xoogsada Sacuudiga.

Warbixinta oo ka kooban 36 bog ayaa waxaa hal-ku-dheg looga dhigay Xarig, garaacid, xabsiyeyn,iyo masaafurin  ay Sacuudiga kula kaceen Muhaajiriinta xilli ay socdeen Olole raaf ahaa.

Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch waxay sheegtay in Sacuudiga celcelis ahaan maalin kasta laga soo tarxiilo ku-dhaawaad 2,000 oo qof.

Warbixinta Hay’adda Human Rights Watch waxaa kaloo lagu soo bandhigay Wareysiyo lala yeeshay 60 Shaqaale loo kala masaafuriyey dalalka Somalia iyo Yemen, kuwaasi oo tacadiyo loo geystay muddadii uu hawlgalka raafka iyo tarxiilka socday.

Inta badan Dadkaasi oo ay Hay’addu kula kulantay magaallada Muqdisho iyo Waqooyiga dalka Yemen waxay tilmaameen in la garaaci jirey, laguna hayey goobo ay xaallad xun ka jireen, ka hor intaan dalalkooda hooyo loo masaafurinin.

Dadkaasi waxay sheegeen inay Sacuudiga ka galeen xuduudka Yemen, kuwaasi oo markii ay gudaha Sacuudiga gaareen la kulmay Tacadiyo, laguna shaqeysan jirey.

Shaqaalahaas shisheeyaha waxay kaloo tilmaameen in xadgudubyo baahsan lagula kacay muddadii ay ku jireen Xaruumaha lagu xiro Shisheeyaha aan Sharciga lahayn, isla markaana ay Boliska Sacuudiga si khasab ah kaga qaateen SIM Card-yadda iyo Batariyadda Mobayladda.

Hay’adda Human Rights Watch waxay ugu baaqday Dowladda Sacuudiga inay saxiixaan Heshiiska Calaamiga ee Dhowrista Qaxootiga, isla markaana aan si khasab ah lagu soo tarxiilin dadka ay noloshooda khatar  geli karto haddii lagu celiyo dalalkooda hooyo.

Dhinaca kale, Wargeyska Arab News ee ka soo baxa Sacuudiga ayaa qoray in ay Ciiddanka Ammaanka qabteen 108,345 Muhaajiriin aan sharci lahayn, lana tarxiilay 90,450 oo qof oo ka mid ah dadka la qabqabtay.

Bishii March 23-dii ee la soo dhaafay, Sacuudiga waxaa laga soo tarxiilay 300,000 oo qof, kuwaasi oo la qabtay shantii bilood ee la soo dhaafay.

Xigasho:- HRW