Human Rights Watch oo cambaaraysay Tacadiyadda ay Ciiddanka Kenya u geystaan Soomaalidaku nool W/bari ee dalkaasi

Agaasime-xigeenka Hay’adda Human Rights Watch ugu qaabilsan Qaaradda Afrika, Leslie Lefkow ayaa maanta soo saartay Warbixin ay ku cambaaraynayso falalka ay Hay’addaha Ammaanka Kenya kula kacaan dadka Muslimiinta ee looga tirada badan yahay dalka Kenya, gaar ahaan dadka Soomaalida Reer Kenya.

Waxay sheegtay in ay Ciiddanka Kenya ku kacaan jir-dil, xarig xukun la’aan iyo dhac baahsan, isla markaana ay dhibaateeyaan dadka Muslimiinta Kenya.

Markhaatiyayaal ayaa Hay’addu wareysatay ayaa sheegay inay Ciiddanka Kenya u xirnaayeen dhowr maalmood, isla markanaa lagula kacay jir-dil baahsan.

Waxay sheegeen inay Askarta garaaceen iyagoo ku tilmaamaya argagixiso.

Oday 42-jir oo ka mid ahaa 30-qof oo laga qabtay Degaanka Witu ayaa sheegay inay Askarta ka joojiyeen garaacista, kadib, markii ay ku daaleen garaacistaasi.

Warbixinta Hay’adda Human Rights Watch waxay ku baaqday in loo baahan yahay in isbedel lagu sameeyo Ammaanka Kenya iyo in shaqada laga cayriyo Saraakiisha geysta Tacadiyadda.

Dhinaca kale, Boliska Kenya ayaa loogu baaqay inay dadka deegaanka kala shaqeeyaan baaritaanandda weeraradda iyo in la xoojiyo Sharciga, si ay Hawlgalladda u noqdaan kuwo ka madax bannaan xad-gudubyadda.

Hadalka Hay’adda Human Rights Watch ayaa waxa uu soo baxay, iyadoo ay kordhayaan tacadiyadda ay Hay’addaha Ammaanka Kenya u geystaan dadka Muslimiinta.

Bishii hore, waxaa Baraha Warbaahinta Bulshadda ayaa la soo dhigay Saraakiil ka tirsan Ciiddanka Kenya oo ku dul soconaya Dhallinyarro ka soo jeeda Soomaalida ku nool Gobalka NFD ee W/bari Kenya.

Xigasho:- HRW

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor