HRW iyo Amnesty International oo Kenya kula taliyey inaan lagu xadgudubin Qaxootiga Soomaalida

Hay’addaha u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch iyo Amnesty International ayaa si wadajir ah ugu baaqay Dowladda Kenya inay muujiso Mas’uuliyad, si loo taageero Qaxootiga soo wajahday Xaalladda Macaluusha ee ka jirta somalia.

Hay’adaha waxay kaloo sheegeen inaan Qaxootiga lagu khasbin inay dib loo so oceliyo, lana dhowro Sharuucda Caalamka iyo Go’aankii Maxkamadda Sare ee Kenya ku joojisay in la xiro Xeradda Dhadhabaab oo ay ku nool yihiin in ka badan 249,000 oo Qaxooti Soomaali ah.

Agaasimaha Hay’adda HRW ugu qaabilsan Xuquuqda Qaxootiga, Bill Frelick ayaa sheegay inay Kenya muujiyaan Hoggaamin, kuna dhawaaqaan inay sii furnaan doonto Xeradda Dhadhaab  iyo Xushmeynta Qaxootiga Soomaalida.

Waxa uu intaasi ku daray in Kenya iyo dalalka deriska ee taageeradda ka hela Beesha Caalamka looga baahan yahay inay sida ugu dhaqsaha badan u taageeraan, una badbaadiyaan Qaxootiga ay soo wajahday Colaadaha iyo Abaaraha ka jira gudaha Somalia.

Baaqa Hay’addaha HRW iyo Amnesty International ayaa ku soo beegmay iyadoo ay Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Urur-gobaleedkaa IGAD maanta Shirweyne ku yeelan doonaan magaalladda Nairobi, oo ay kaga xaajoon doonaan Xaalladda Qaxootiga Soomaalida ee ku sugan Mandiqadda iyo in laga hortago Macluusha iyo Abaaraha ka jira Somalia.

Dowladda Kenya ayaa horey ugu goodisay inay Xeradda Dhadhaab oo ay ku nool yihiin in ka badan 249,000 oo Qaxooti Soomaali ah la xiri doono bisha May ee sannadkan

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media