Hoyga Xildhibaan ka tirsan Hir-Shabeelle oo la weeraray iyo dhaawac soo gaaray Xaaskiisa

Faah faahino dheerad ah ayaa ka soo baxaya weeraro bambaano oo lagu qaaday Guriga Xildhibaan  Maxamed Bashiir Qaasim Daqare oo ka mid ah Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle kaas oo ku yaalla Magaalada Jowhar.

Sida ay xaqiijiyeen Ehelada xildhibaanka,ayaa xiliga la weerarayay uu Guriga ka maqnaa isaga oo ku sugnaa Muqdisho, balse ay ku dhaawacmeen Xaaskiisa iyo mid ka mid ah ilaalada Guriga.

Saraakiisha ammaanka Degmada Jowhar ayaa waxa ay Warbaahinta u sheegeen dadkii ka dambeeyay falkaasi inay ka baxsadeen goobta, markii xalay ay ku tureen Bam gacmeedka hooyga Xildhibaankaasi.

Ilaa iyo hadda majirto cid sheegatay masuuliyada weerarka bambino ee lagu qaaday Hoyga Xildhibaanad Daqare uu ka degan yahay ee Magaalada Jowhar.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media