Cabdi Shakuur Cabdiraxmaan oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed kana mid ahaa musharixiintii Madaxweyne Farmaajo kula tartantay xilka Madaxtinimada Soomaaliya ayaa xalay weerar lagu qaaday Gurigiisa oo u dhow Hotelka Jaziira ee Magaalada Muqdisho.
Weerarkaas ayaa la sheegay in ay ku geeriyoodeen ilaa 5 Askari halka Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur uu dhaawac soo gaaray,sida aan Wararka ku helnay.
In kastoo aan sidhab ah loo ogeyn cida weerartay Guriga Siyaasiga ayaa Xildhibaan Cabdi Fitaax Ibraahim geesay oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya uu V0-da u sheegay in weerarkaas ay ka dambeeyaan Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.
Xildhibaan Axmed Mcalin Fiqi oo ka mid ah Baarlamanka Soomaaliya ayaa Brtiisa Fcebook ku daabacay in weerarkaas lagu dilay 4 Askari oo ka mid ah Ilaalada Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur.
Majiraan Warar madaxbanaan oo xaqiijinaya in Ciidamada dowladda ay weerareen guriga Cabdishakuur uu degan yahay oo u dhow Goobo aad loo ilaaliyo amnigooda sida Hotelka Jaziira iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.
Arrintaan ayaa imaaneysa xili shalay Xeer ilaaliyaha Qaranka uu sheegay in laba ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka xasaanada laga qaado kuwaas oo lagu soo eedeeyay in ay wadaan Qaran dumis.
Ugu dambeyn waxaa la sheegay in Siyaasiga Cabdirxmaan Cabdi Shakuur ay wateen Ciidamadii soo weeraray isla markaana aan la ogeyn halka lala aaday.