Hoyga Fanaanka Nimcaan Hilaac oo la weeraray

Ciidamada Maamulka Soomaaliland ayaa weeraray hoyga uu Magaalada Borama ka degan yahay Fanaanka Nimcaan Cabdiraxmaan Xasan Hilaac kaas oo dhawaan halkaasi tegay.

Fanaanka ayaa maalma ka hor dhanka Xadka Jabuuti ka soo galay deegaanada Soomaaliland,iyada oo ay siweyn usoo dhaweeyeen taageerayaashiisa.

Wariyayaasha ku sugan Borama ayaa waxa ay soo sheegayaan in Nimcaan ay xariga ka difaaceen Shacabka Borama gaar ahaan taageerayaashiisa oo ahaa kuwii ku soo dhaweeyay Borama.

Dadka difaacayay Nimcaan Hilaac iyo Ciidamada Soomaaliland ayaa lagu soo warinayaa in uu dhexmaray dagaal khasaaro geystay in kastoo ciidamadu aysan ku guuleysan in ay Nimcaan xireen.

Fanaanka Nimcaan ayaa mudo horay ugu sugnaa Muqdisho isaga iyo fanaaniin kale waxaana horay loo xiray fanaaniin Muqdisho yimid markii ay Hargeysa ku laabteen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media