Howlgallo Saakay laga sameeyay degmada Afgooye

Xaalad deganaansho ah ayaa laga dareemayaa saakay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose halkaas oo xalay uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo ciidanka dowladda.

Dagaalka oo aan weli la shaacin khasaaraha ka Dhashay ayaa Saraakiisha Ciidanka Dowladda ee degmadaasi waxa ay sheegeen in ay ka hortageen Weerar kaga soo wajahnaa dhanka Al_Shabaab.

Wararkii u dambeeyey ee naga soo gaaraya Afgooye ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Booliska ay wadaan howlgallo baaritaano ah walow howlihii Ganacsiga Iyo isu socodka dadka Iyo Gaadiidka uusan saameyn ku yeelan.

Degmada Afgooye ayaa dhowr Mar weerar ku soo qaaday Al-Shabaab waxaana War ay xalay soo saareen ay ku sheegeen in ay Gudaha u galeen Afgooye walow taliska Boolisku uu warkaas beeniyay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media