Howlgallo laga sameeyay Xaafado ka tirsan degmada Hodan

Ciidamada xasilinta amniga Muqdisho ayaa saakay aroortii waxa ay howlgallo ka bilaabeen Xaafado ka tirsan degmada Hodan ee Gobolkaan Banaadir.

Howlgalka ayaa intiisa badan ayaa ka socda xaafadaha ku dhow dhow Isbitaalka Digfeer ee degmada Hodan,iyada oo ciidamadu ay Guri Guri ay baaritaanada halkaasi uga wadaan.

Lama oga waxyaabaha xiligaan ku soo beegay howlgalka iyo waliba waxyaabaha ay Ciidamadu ku soo qabteenhowlgalkaas.

Maamulka degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaan xiriir la sameyny si aan wax uga weeydiino howlgalkaas iyo ujeedka ka dambeeya ayaanan noo suurtagelin.