Howlgallo Caawa ka socda Xaafado ka tirsan Boosaaso

Ciidamada dowlad Goboleedka Puntland ayaaCaawa waxa ay howlgallo ballaarn  ka wadaan Xaafado ka tirsan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Howlgalladaan ayaa Saraakiishu waxa ay sheegen in uu yahay mid amniga lagu xaqiijinayo,waxana lagu baarayaa Gaadoodka ka dhex Shaqeeya xaafadaha kala duwan ee Boosaaso iyo kuwa sida gaarka ah loo wato.

Intii uu howlgalka socday ayaa Ciidamada Puntland waxa ay muraayadaha Madow ka fiiqeyn Gaadiidka qaar,iyada oo horay arrinatasi Saraakiisha Ciidamada iyo Maamulka Gobolka Bari ay ammar uga soo saareen.

Majiraan wax dad ah oo hwogallada Caawa Boosaaso ka socda lagu qabtay dad lala xiriirinayo falal lidi ku ah amniga,iyada oo horay boosaaso ay uga dahceyn dilal qorsheysan iyo weeraro toos ahaa.

Taliska booliska gobolka Bari Puntland waxa ay horay u sheegeen in ay siiwadi doonaan howlgallada gaar ahaan kuwa Gawaarida looga furayo Muraayadaha Madow,waxana xusid mudan in Bil ka hor qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirada Puntland laga fiiqay Gawaarida ay wateen muraayadaha Madow.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media