Howlgallo Caawa ka socda Xaafado ka mid ah degmada Dharkenley

Wararka Caawa nagas oo gaaraya degmada Dharkenley ee Gobolkan Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in Xaafado ka mid ah degmadaas ay kas ocdaan howlgallo sida ay dadka deeaganka inoo sheegeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay Caawa howlgallada ka wadaan xaafada Suuqliif ee degamda Dharkenley iyo Xaafadaha ku dhow dhow.

Qof ka mid ah dadka ku nool Xaafada suuqliif ayaa waxa uu sheegay in howlgalku uu weli halkaasi ka socdo,isla markaana Ciidamada dowladda ay qabqabteyn tiro dad ah oo dhalinyaro u badan.

In kastoo weli cadada rasmiga ah ee dadka lagu qabtay howlgalka aan la sheegi Karin ayaa waxa hadda lagu soo waramayaa in ciidamadu ay howlgalka wadaan,isla markaana Caawa siweyn looga dareemay Degmada Dharkenley.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media