Howlgallo Caawa ka socda Buula Gaduud kadib weerarkii ka dhacay

Wararka aan Caawa ka heleyno deegaanka Buula Gaduud ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Caawa halkaasi ay howlgallo kala duwan ka wadaan Ciidamada Maamulka Jubbaland kadib weerarkii ay A-Shabaab ku qaadeen deegaankaas.

Aroornimadii hore ee saakay ayaa waxaa Saldhiga Ciidamada Jubbaland ee deegaanka Buula Gaduud lagu qaaday weerar ku bilaawday qaraxyo ismiidaamin ah waxana xigay dagaal toos ah oo dhexmaray Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Al-Shabaab.

In kastoo labada dhinac ay dagaalkaas guulo ka kala sheegteen ayaa Caawa waxaa deegaanka Buula Gaduud ka socda howlgallo iyada oo inta badan Caawa dhaqdhaqaaqa Buula Gaduud uu Caawa yahay mid aad u yar markii loo eego maalmihii la soo dhaafay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media