Howlgalka Mareykanka ee Somaaliya oo u soo Guuraya Muqdisho

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa sheegay in Mareykanka uu mar kale howl-gal diblomaasiyeed oo rasmi ah ku yeelan doono Soomaaliya, marka ay Muqdisho ka furtaan xafiisyo dhammaadka sanadkan.

Safaaraddii Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa la xiray sanaddii 1991-kii, markii dagaallada sokeeye ay ka qarxeen dalka.

Xoghayihii hore ee arrimaha dibedda Mareykanka, John Kerry ayaa booqasho uu sanadii 2015 ku yimid Muqdisho ku sheegay in Mareykanka uu billaabi doono dib u aas-aasidda joogitaankii diblomaasiyeed ee Mareykanka uu ku lahaa Soomaaliya.

Stephen Schwartz ayaa sheegay in xarunta cusub ee Mareykanka ee Muqdisho la furi doono bisha October ee sanadkan.

Safiirka ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay hayso lacag ay safaarad cusub uga dhisato Muqdisho, balse ma uusan sheegin waqtiga rasmiga ah.

Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya, ayaa waxaa iminka xarun u ah magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media