Howlgal Saakay ka socda Gudaha Magaalada Baladweyne

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saakay howlgallo ka wada Xaafada Holwadaag ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka hiiraan kadib markii xalay halkaasi lagu dilay mid ka mid ah Ganacsatada Magaalada Baladweyne kadibna Kooxdii disahay ay baxsadeen.

Howlgalkaas ayaa lagu soo waramayaa in ciidamadu ay ku qabteen in ku dhow 70 ruux ku waas oo dhalinyaro u badan qaarkoodna looga Shakisan yahay in ay ka dambeeyeen dilka Ganacsade Ibraahim Cusmaan Fanax oo horay uga mid ahaa madaxda Dekadda Weyn ee Muqdisho.

Ciidamada ayaa dadkii ay soo qabteen qaarkood waxa ay ku baarayaan Goobo u cayiman iyagoo baadi goobaya dadkii ka dambeeyay dilka Ganacsada ah oo la sheegay in Maalimhii u dambeeysay uu ku howlanaa ama uu mashaariic ku soo qaatay Suuqa Ganacsi oo laga dhisayo Xaafada Howlwadag ee Magaalada Baladweyne.

Wararkii u dambeeyay ee hada nasoo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid caadi ah marka laga reebo howlgalka ay wadaan Ciidamada dowladda Soomaaliya,iyada oo Goobo Ganacsi iyo isku socodka dadka iyo Gaadiidka ay yihiin kuwo caadi u Shaqeynaya.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media