Howlgal Maanta ka socda Xaafado ka tirsan Magaalada Boosaaso

Maanta Ciidamada Booliiska Gobolka Bari ayaa waxa ay howlgallo dhanka amniga ah ka wadaan gudaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari kadib markii ay fashiliyeen qarax gelinkii dambe talaadadii shalay.

Howlgalkaan ayaa ciidamadu waxa ay ka sameynayaan Xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Boosaaso, Goobaha Ganacsiga iyo sidoo kale Gaadiidka dadweynaha.

Weli ma jirto dad lagu soo qabtay howlgalkaas, balse ciidamada ayaa Guri Guri u baaraya waxaana dadka qaarkood lagu amrayaa in ay Guryahooda ku xaroodaan.

Wararkii u dambeeyey ayaa wax ay sheegayaan in weli howlgalku uu socdo, isla markaana saraakiisha Ciidamada Booliiska Puntland ay faah faahin ka bixiyaan.

Habeen ka hor ayay aheyd markii gudaha Magaalada Boosaaso lagu dhawacay taliyaha Ciidamada Maxkamada Darajada koowaad Ee gobalka Bari Maxamed Cali Saleeban