Howlgal lagu soo qabtay Rag iyo Walxaha qarxa oo Caawa laga sameeyay Muqdisho

Ciidamada Amaanka ayaa ku guuleestay in ay caawa gacanta ku dhigaan Jawaanno laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa iyo Rag la tuhunsan yahay in ay ka tirsan yihiin Al Shabaab.

Gudoomiyaha Degmadda Howlwadaag Axmed Nuur Cabdi Siyaad oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay hayaan jawaanno Walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay wadada dhinaceeda.

Walxaha qarxa ee la qabtay waxaa ka mid ahaa Miinada Dhulka Lagu Aaso, Sidoo kale ciidamada ayaa xabsiga u taxaabay 3 Ruux oo la tuhmayo in ay walxahaasi qaraxa dhaliya ay wadeen.

Ugu Dambeen Axmed Nuur Cabdi Siyaad ayaa u mahadceliyay dadka deegaanka oo uu sheegay in Arintan ay iyagu kusoo Wargaliyeen.

Jawaanadda Walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa la dhigay jidka ka yimaada Dabka ee soo aada dhanka degmadda Howlwadaag.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor