Howlgal laga sameeyay Xaafado ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir

Holwgalkaan ayaa xalay Ciidamada waxa ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmooyinka Dharkenley iyo Kaxda ee Gobolkaan Banaadir.

Howlgalka ayaa Ciidamadu waxa ay ku baarayeen gaadiidka dadweynaha,iyaga oo mararka qaar Guri guri baaritaano uga sameynayay.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in howlgalkaan uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay,islamarkaana si joogta ah uu u socon doono.

Qaar ka mid ah dadka ku nool degmooyinka Kaxda iyo Dharkenley ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in howlgalka lgu qab qabtay dad dhalinyaro u badan in kastoo markii dambe dhalinyaradaas badankood lasiidaayay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media