Howlgal ka socda Xaafadaha degmada Afgooye ee Shabeellaha Hoose

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta howlgallo kala duwan waxa ay ka wadaan gudaha degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose,howlgalkaas oo lagu xaqiijinayo dhanka amniga.

Ciidamada ayaa howlgalka ka wada inta badan Xaafadaha degmada Afgooye kadib markii shalay gelinkii dambe qarax lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaana haatan laga dareemayaa howlgalka Ciidamada.

Howlgalka ayaa saameeyay goobaha qaar ee Ganacsi maadaama Ciidamada ay isku fidiyeen Xaafadaha degmada Afgooye, wadooyinka qaarna ay xireen, sida uu soo sheegayo Wakiilka Afgooye ee Radio Dalsan Maxamed Cusmaan Ma’da.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka howlgalka wada ayaa waxa ayu Dalsan u sheegeen in howlgalku uu weli socdo balse waxyaabihii ay ku so qabtaan Warbaahinta u soo gudbin doonaan, wallow faah faahin dheeraad ah aysan bixin.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media