Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay waxa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmooyinka Gobolkaan Banaadir.
Ciidamada ayaa howlgalka intiisa badan waxa ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Waaberi,howlgalkaas oo ahaa mid qorsheysan kadib howlgalkii habeen ka hor laga sameeyay degmada Yaaqshiid.
Ciidamada aya howlgalka waxa ay ku qabteen dhalinyaro farabadan kuwaas oo ay weeydiinyen Su’aalo dhowr ah,in kastoo markii dambe dhalinyaradaas ay siidayeen.
Saraakiil ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in howlgalkaan ujeedkiisu uu yahay sidii amniga degmooyinka Gobolkaan Banaadir lagu xaqiijiyo.
Howlgalkaan ayaa ku soo aadaya xili dhawaan Ciidamada dowladda Soomaliya ay qeybo ka mid ah Xaafada Jungal ay ka qabteen Rag hubeysn oo Mooto Bajaaj dadka ku dhici jiray.