Hotel uu degganaa Wasiirka Amniga Galmudug oo la duqeeyey

Ciiddanka Maamulka Galmudug iyo Puntland ayaa waxay tan iyo barqanimaddii maanta ku dagaalamayeen magaalladda Gaalkacayo.

dagaalka GaalkacayoIska horimaadka ayaa la sheegay inuu 11:00 barqanimo ka qarxay Koontoroolka Koonfurta Gaalkacayo, xilli ay Guddiyadda ku hawlanaayeen inay kala qaadaan Ciiddankii dhufeysyadda ku jiray tan iyo bishii hore ee November 22-dii.

Wararku waxay sheegayaan inay Labada dhinac adeegsanayaan noocyadda Teknikadda,
Madaafiicda Waa Weyn iyo Taangiyo.

Mid ka mid ah Madaafiicda Taangiyada oo la sheegay in dhinaca Puntland laga soo tuuray  ayaa ku habsaday Hotel ku yaalla Koonfurta Gaalkacayo oo uu degganaa Wasiirka Amniga Galmudug, Cismaan Nuur Ciise “Taar-dhuleed”.

WASIIR TAAR DHULEEDIlo-wareedyo ku sugan Koonfurta Gaalkacayo ayaa sheegay inuu Wasiirku ka badbaaday duqeyntaasi, walow uu Hotelka soo gaaray burbur xooggan.

Dhinaca kale, dadkii fara-ku-tiriska ee ku sugnaa Gaalkacayo ayaa bilaabay inay ka bara kacaan Gaalkacayo, si ay uga badbaadaan dagaalka dib uga qarxay Gaalkacayo.

Madaxda Galmudug iyo Puntland ee ku sugan Gaalkacayo weli kama aysan hadlin Iska-horimaadkan oo dhabar-jab xooggan ku noqon kara Heshiiskii Nabadda ee ay sida wadajirka shalay u saxiixeen.

© Radio Dalsan                         

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor