Hooyo lagu amray inay wiilkeeda ku nafaqeyso hilib

Maxkamad ku taalla Degmadda Bregamo ee Waqooyiga Talyaaniga ayaa ku amartay haweeney inay wiilkeeda yar siiso hilib, kadib, markii uu wiilka aabihiisa ka cawday inuu cunugiisa noqdeen jiroole.

Aabaha oo ay kala tageen xaaska uu ka ashtakooday inay cunugga ka jartay dhamaan cuntada muhiimka ah.

Bartamihii bishii April ee la soo dhaafay ayey Maxkamaddu xukmisay inay Hooyadda toddobaadkiiba hal mar wiilkeeda u diyaariso hilib.

Wargeyska Eco di Bergamo ayaa qoray in uu aabaha horey wiilkiisa hilib uga soo siiyey MacDonald, balse ay hooyadda sheegtay inuu xanuunsaday.

Ma aha markii ugu horreysay oo ay Lammaane Talyaani ah isku qabtaan cuntadda ciyaalka oo ay Maxkamadaha u gar-qaadaan.

Waxaa Turjumay Ustaad Nuradin Abokor Ahmed