Hooyo dhashay ilmo miisaankiisu dhan yahay 6.3 kg

Haweeney 37 jir  ah oo u dhalatay dalka Kenya ayaa waxay dhashay wiil yar oo culayskiisu dhamaa 6 kiilo iyo 3 garaam.
Haweeneydaasi oo deggan Tuulladda Masindet, kuna dhow Degmadda Kapsakowony ee Gobalka Bungoma ayaa cunugaasi ku dhashay Isbitaalka Kapspkwony.
Dr. Wambasi Mutoro ayaa sheegay in hooyadda iyo wiilkeeda weli ku jiraan Daryeelka, iyadoo ay Dhakhaatiirta kormeerayaan xalladooda.
Waxa uu tilmaamay in hooyadda dhashay ilmahaasi qabto cuddurka Sonkorta ama Macaanka.
Inta badan  carruurta caadiga waxa uu miisaankooda u dhexeeya 3 ilaa 4 Kiilogaram.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor