Hoobiyayaal Caawa kusoo dhacay degmooyin ka tirsan G/Banaadir

Inta badan degmooyinka gobolka banaadir ayaa caawa waxaa laga maqlay jug culus oo loo maleynayo in ay tahay hoobiyayaal.

Degmooyinka sidaweyn jugta looga maqlay ayaa waxaa ka mid ah Waaberi Xamar Jajab wardhiigley iyo howlwadaag,waxaana dadka ku nool ay sheegeen in aysan garaneyn halka hoobiyayaasha ay ku dhacayaan.

Iyada oo caawa bisha ramadaan ay kow tahay ayaa hadana caawa muqdisho waxaa laga dareemayaa jawi ka bedelan sidii xalay.

Xukuumadda soomaaliya ayaa horay u sheegtay in ay diyaarisay ciidamo suga amniga muqdisho inta lagu guda jiro bisha ramadaan.

Laamaha amniga soomaaliya weli wax faah faahin ah kama bixin hoobiyaasha caawa degmooyin ka tirsan gobolka banaadir kusoo dhacay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor