Holland oo laga soo masaafuriyey 23 Burcad-baddeed Soomaali ah.

Wargeyska NL Times ee ka soo baxa dalkaasi ayaa qoray in bilihii ugu horreeyey ee sannadkan dalkaasi laga soo masaafuriyey 23 Burcad-baddeed Somali ah, kuwaasi oo soo dhamaystay Xabsigii lagu xukumay.

Hadal ka soo baxay Waaxda Dib-u-celinta dadka la masaafuriyo ee Wasaaradda Ammaanka iyo Garsoorka ee dalkaasi  ayaa lagu xaqiijiyey in  Burcad-baddeedaasi dib loogu soo celiyey dalkooda hooyo.

Burcad-baddeeda ayaa la sheegay inuu Markab Dagaal oo laga leeyahay dalka Holland ka soo qabtay Badda Somalia sannadkii 2012-kii, kadib, markii ay Markabkaasi u maleeyeen Marakab Ganacssi si ay u afduubtaan.

Ciiddanka Badda ee dalkaasi waxay qeyb ka yihiin Hawlgalka Ciiddanka Badda ee Midowga Europe ee La-dagaalanka Burcad-baddeeda ka qowleysata Badda Somalia.

Dhinaca kale, Wargeyska NL Times ayaa qoray in dalkaasi si khasab ah looga soo masaafuriyey 2,200 Qaxooti Magnagelyo-doon ah, kuwasi oo ku guul-daraystay in loo oggolaado Deganaansho Qaxootinimo.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media