Hoggamiyeyaasha dalalka G7 oo wada hadal ka yeelanaya xaaladda Afganistan

Madaxweyne Joe Biden iyo RW Boris Johnson oo xalay ku wada xiriiray  Khadka Telefoonka ayaa isku raacay inay Hoggamiyayaasha dalalka ku bahoobay Kooxda G7 ay isbuuca soo socda  Shirweyne qaab Online ah ka yeeshaan Xaalladda dalka Afganistan.

Qoraal ka soo baxay Aqalka Cad ee looga taliyo Maraykanka ayaa lagu sheegay inay Biden iyo Boris Johnson isla meel dhigeen in Kulankaasi looga xaajoon doona Istaraatijiyada Guud ee Afganistan , Gargaarka la siinayo  iyo Taageeradda Qaxootiga iyo dadka aadka u nugul ee ku nool dalkaasi.

Qoraalka laguma shaacinin Xilliga ay Madaxda dalalka G7 Kulanka Online-ka kaga tashan doonaan dhacdooyinkii u dambeeyey ee Afganistan.

Dhinaca kale, Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee dalka UK, Priti Sushil Patel waxay sheegtay inay  sanadkan oo keliya qaabili doonaan 5,000 oo qof oo Afganistani ah oo keliya.

Waxay kaloo tilmaamay in ay diyaar u yihiin inay qaabilaan ilaa 20,000 oo Afgaanistaani ah shanta sano ee soo socota.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor